Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Munaasibado Lagu Xusayo 1-da Luulyo oo Maanta ka Dhacay Guud Ahaan Gobollada Puntland
Somalia Now and Then
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:11
Date:07-09-2008
Somali fighters capture Kismayo 27 Aug 08
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:347
Date:02-09-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Jul 01 2008
Munaasibado Lagu Xusayo 1-da Luulyo oo Maanta ka Dhacay Guud Ahaan Gobollada Puntland
Written by Ali Moallim   
Tuesday, 01 July 2008

Puntland Garowe,(insidesomalia.org)- Waxaa Maanta ka soconaya Gudaha magaalada Bosaaso munaasabado loogu dabaal dagayo xuska 48 sano guuradii ka soo wareegatay markii Gobolada koonfureed ay xornimadooda ka qaateen Gumaystihii Talyaaniga,isla markaana ay midoobeen labad gobol ee Waqooyiga iyo Koonfurta dalka Somalia.

Xaflad lagu xusayo Munaasabdaasi 1luulyo ayaa xalay lagu qabtay xarunta Gobolka ee Magaalada Bosaaso ,waxaana xuska munaabada 1 luuliyo ka qayb galay masuuliyiin sar sare oo ka tirsan Golaha xukuumada dawlad Goboleedka Puntland.

Munaasabadaasi ayaa lagu soo bandhigay heeso Wadani ah oo ka tarjumaya Xuska 1 luuliyo , iyadoo Munaasabadaasi ay khudbado kala duwan ka soo jeediyeen Masuuliyiin ka tirsan Golaha Xukuumada Dawlada Goboleedka Puntlad sida la taliyaha Madaxwaynaha arimaha Maamulka Barkhad Cali Saalax.

Saqdiii dhexe ee xalay saacadu markii ay ahayd 12:00 habeenino ayaa Calanka Somalia la suray xarunta Gobolka Bari ee Magaalada Bosaaso , waxaana ka soo qayb galayaasha Munaasabadaasi ay si wada jir u qaadeen heesta Calanka Somalia si ay ku jirto qadarinta xuska 1 luulyo oo ah maalin ku wayn umada Somaaliyeed.

Dhamaan masuuliyiinta Maamulka Puntland ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray shacabka Somaaliyeed meel walba oo ay joogaan in sanadkaan sanadkiisa kale ay ku gaareen Burwaaqo iyo Bareere.

Meelaha sida wayn looga xusay 1 luuliyo ma ahan Magaalada Boosaaso oo kaliya waxaa sidoo kale xuska 1 luuliyo munaasabado lagu xusayo lagu qabtay meelo fara badan oo ka mid ah magaalooyinka ugu waa wayn puntland sida Gorowe,Galkacyo ,iyo Qardho.

Dhinaca kale Faraxada iyo damaashaad lagu xusayo 1 luulyo ayaa ilaa iyo iminka ka soconaysa dhamaan deegaanada Dawlada Goboleedka Puntladn.




Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >